Koox Hubaysan Ayaa Weerar Ku Qaaday Laba Saldhig Booliis Magaalada Laascaanood

Koox hubeysan oo aan ilaa hada la aqoonsan ayaa sadexdii habeenimo weerar qoryaha fudud la adeegsanayey ku qaaday saldhiga Barriga Laascaanood ku qaaday, halka waxyar ka dibna ay ka bilaabantay saldhiga Badhtamaha.

Israsaasayntan oo soo gaadhey salaadii Subax kadib ayaan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhey labada dhinac, ilaa haatana kama hadal masuulihiinta ciidanku.

Dad degan guryaha ku dhow saldhiga badhtamaha ayaa HOL u sheegay in rasaas xoogleh ay markii hore saldhiga lagu ridey mudo kadibna meel ka baxsan saldhiga rasaas xoogan ka dhacday, waxase ay badankoodu sheegeen in xaafaduhu wada tooseen laakiin aan banaanka loogu bixin.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey dareen kacsan iyadoo badanaa taa la saaro xiisada ka alloosan Tukaraq ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT