Sacuudiga Oo La Safan Doona Imaaraadka Carabta Iyo Xiriirka Uu La Leeyahay DFS Oo…

Warar hoose oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in dowladda Sacuudiga ay markaan qeyb ka noqon doonto xiisadda siyaasadeed ee DFS iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta.

Xogta ayaa waxay sheegeysaa in Sacuudiga uu ku dhowaaqi doono in isna uu ka fiirsanayo xiriirka kala dhaxeeya DFS islamarkaana la garab yahay Imaaraadka.

Sababta sidaan u sameynayo ayaa waxay tahay ilaalinta saaxiibtinimada dheer ee ka dhaxeysa Labadan dal.

Haddii ay dhacdo in Sacuudiga uu tageero Imaaraadka waxay keeni doonta xaalad adag, sababtoo ah siyaasadda meesha la filayo meel aan ahayn bay tageysaa, waxaana dhanka Soomaaliya lasoo safan doona dowlado aan la filey.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT