Imaaraadka & Qatar Oo Dagaal Xoogan Ugu Jira Helista Shaqsiga Noqonaya Gudoomiyaha BFS

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ay dagaal xoogan ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen Shaqsiga noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka mid iyaga siyaasadooda raacsan.

Fahad Yaasiin oo Dowlada Qatar Soomaaliya u matalaya ahna Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulamo gaar ah ka wada Madaxtooyada Soomaaliya wuxuuna doonayaa shaqsiga noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka inuu ahaado mid ku shaqeeya siyaasada Dowlada Qatar ee Soomaaliya.

Loolankan xoogan ee loogu jiro xilkii uu iska casilay Mudane Jawaari ayaa xiiso gaara u yeelaya tartan looga galayo doorashada xilkan, waxaana Dowlada Imaaraadka ay ka mid aheyd dalalkii lacagaha ku bixiyay inuu xafiiska baneeyo Jawaari.

Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ah Senotarada aqalka sare ayaa isna dhankiisa dadaal xoogan ugu jira xilkan, waxaana uu magacaabay guddi si gaara arintan uga shaqeeya uu isaga madax u yahay, waxaana laga yaabaa in Dowlada Imaaraadka uu wakiil kaga yahay Soomaaliya ay ku bixiso lacag aad u badan sidii shaqsi danaheeda fuliya uu kursigan u fariisan lahaa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT