Yaa ka dameeye Mooshinka MD/weyen Waare?+M/SH/ Oo Qarka U Saran In Lagu Kala Tago

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhegan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaanada oo ku kala shirsan magaalooyinka Nairobi iyo magaalada Muqdisho ayaa ku kala dhegan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mr. Barre oo ay ku eedeeyeen iney gabeen howshii loo igmaday.

Xildhibaano ku shiray magaalada Muqdisho,ayaa sheegay iney mooshin ka diyaarinayaan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu gudan waayay waajiibaadkii loo igmaday,islamarkaana uu Xafiis ka dhigtay magaalada Muqdisho.

Ammaanka deegaanada Hirshabeelle ayay sheegeen inuu sii xumaanayay maalmihii u danbeeyay,islamarkaana ay Al-Shabaab ku xoogeysteen.
Geesta kale, warar hoose ayaa sheegaya haddii uu xilka laga qaado Waare in mar dambe ay adkaan doonto in la dhiso maamulka Hirshabeelle oo iminka dadka reer Hiiraan badan kooda aysan la dhacsanayn.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT