Xiisad Ka Taagan Laascaanood Iyo Ganacsade Caan Ahaa Oo Si Gardaro Ah Loo Toogtay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad ka dhalatay Ganacsade lagu dilay xalay Xaafad ka mid ah degmadaasi.

Ninka xalay lagu dilay Laascaanood ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Timir.

Maleeshiyo Hubeysan oo ka carreysan dilka Ganacsadaha ayaa Saakay lagu arkay Xaafado ka mid ah degmada.

Maleeshiyadda ayaa u abaabulan qaab beeleed, waxaana ay sheegeen in Ganacsadaha loo dilay Aano Qabiil

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka waxaana ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigi doonaan Kooxihii dilay Ganacsadaha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT