Maxaad Kala Socotaa Dhaq Dhaqaaqa Cusub Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho?

Isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay u xirnaa arrimo amniga la xiriira ayaa maanta dhammaan dib loo furay.

Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin isbedalkaan la sameeyey, sababtuna waxay ku sheegeen in hadda magaalada oo dhan si isku mid ah uga shaqeysan karaan.

Arrintaan ayaa kusoo aaday Xilli Magaalada Muqdisho Gudaheeda laga Saaray Ciidamadii Xasilinta Muqdisho oo joogay muddooyinkaanba isgoysyada Muqdisho , islamarkaana lagu badelay ciidamo Boolis ah.

Waxaa la arkayaa meelaha qaar oo aysan ciidamo wax baara ku sugneen, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay isbedalladan.

Shacabka Muqdisho ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay dhibaatooyin badan kala kulmaayay xirnaanshaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT