Xildhibaanad Sheegtay Qaraxyada & Dilalka Muqdisho ka dhaca inaysan kaliya ka dambeyn Shabaab

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay qaraxyada iyo falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Muqdisho ka dhaca inaysan ka dambeyn Shabaab oo kaliya.

Ubax Tahliil oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa sheegtay qal qalka amniga ee Muqdisho laga sameynaayo inay yihiin dad doonaya inay dib u dhigaan horumarka socda, waxayna sheegtay dadkaasi inay doonayaan dib u dhac.

Inkastoo Xildhibaanada aysan cadeyn cida sida rasmiga ah u sameynaysa qal qalka ammaanka Muqdisho, ayaa haddana sida ay sheegtay waxa ay ku tilmaamtay dad qaswadayaal ah.

“Waxaa la baarayaa nimanka qalqalka sameynaya ma’ahan Shabaab waa dad raba inay dumiyaan siyaasadda Somaliya inay dib u dhigaan, horumarka socda, ciidanka Somaliyed shaqadiina haysta oo wixii la idiin daro qabta oo umadda Somaliyed u adeega, hiil ma doonayno hiilka joojiya.” Ayeey tiri Xildhibaanad Ubax Tahliil.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay laba qarax oo loo adeegsaday laba gaadiid, kuwaasi oo lala eegtay laba koontarool oo ciidanka Nabad Suggida ay ku sugnaayeen.

Qaraxyadaasi ayaa masuuliyadooda waxaa sheegtay Al Shabaab, waxayna sheegteen inay ku dileen tiro askar ah oo ka tirsan ciidamada dowladda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT