Faah-Faahin dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Kulankii Golaha Shacabka Ee Maanta Oo Baaqday

Kulan maanta lagu waday in ay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday sida ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa Khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay Shaqaddii Baarlamaanka.

Waa kulankii 3-aad oo baaqday, iyadoona kol hore uu baajiyay Madaxweynaha Farmaajo Markii ugu dambeysana la sheegay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa waxay sheegeen in ay soo jeediyeen in aan lagu shirin xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana meel ka baxsan lagu shiro.

Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan Golaha Shacabka ayaa sii xoogeysatay ilaa iyo hadda ma jiro xal buuxa oo laga gaaray.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT