Wax Badan Ka Ogow Dagaalkii Ka Dhacay Xalay Muqdisho, Khasaaraha Ka Dhashay Oo Sii Kordhaya

Xaalada degmada deyniile ayaa wali waxaa ka taagan xaalad cabsi ah waxaana is hor fadhiyo maleeshiyo isku heesta Xerada saban saban (77) ee ku dhaw dhismaha Wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Dagaal oo soo bilaawday shalay galab ayaa xalay oo dhan si goos goos ah uga socday xerada iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxaana ku nafwaayay ilaa 3 qof inta la xaqiijiyay.

Dadka dhintay ayaa waxaa haleelay wiifto iyagoo qaarkood ay gur yahooda ku sugnaayeen.

Dad ka badan ilaa 10 ruux ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho kuwaas oo ku dhaawacmay rasaastii leys dhaafsanayay.

Ma jirto ilaa hada cid kala dhaxgashay waxaana wali socda abaabulka Gurmad ay helayaan labada dhinac.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada labada dhinac ee dagaalamaya ay kala heleen gurmad ciidan oo xoogan.

Militeriga Soomaaliya ee qaab qabiil u dagaalamaya ayaa sidoo kale, waxaa laga cabsi qabaa iney cuuryaamiso midnimadi ciidamada.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT