Yaa Jirdlay Abaanduule Caanood ? Yaase Taliyayaasha Booliska, Milatariga & Asluubta U Diiday Inay Galaaan Xarunta BFS?

Wararkii ugu Dambeeyay ee soo gaaraya Warbaahinta Halsheeg.com ayaa sheegaya in Taliyayaasha Ciidamada Asluubta, Booliska, Milatariga loo diiday in ay Galaan Xarunta Golaha Shacabka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la jirdilay Abaanduule Caanood oo muran xoogan galay inkastoo aanan la ogeyn cidii jirdishay, waxaana ciidamada AMISOM ay si caadi ah u galayaan Xarunta Golaha Shacabka.

Xaalada ayaa u muuqata mid qasan, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya looga fadhiyaa inuu go’aan adag ka qaato xaalkan hadii sidaan wax kusoo socdaan waxaa dhici waxyaabo dalka dib ugu celin kara in dhiig uu daato waa sida ay qabaan Shacabka ku nool Muqdisho.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT