Wax Badan Ka Ogow Xaaladda Nawaaxiga Xarunta Golaha Shacabka & Sida Ciidamada Oo Aad U Feeljigan

Ciidankii ugu badnaa ee isugu jira Boolis, Nabad Suggid iyo Militari ayaa la soo dhoobay xayndaabka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankaan oo aad u hubaysan, sidoo kalena wata gaadiidka dagaalka, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la dhigay dhamaan wadooyinka soo gala xarunta Golaha Shacabka, halkaasi oo sidoo kale lagu jiray gaadiidka dagaalka.

Wadada ka timaado Isgoyska Hawlwadaag ee sida tooska ah u soo gasha Sayidka, ayaa waxaa la dhigay ciidan badan oo isugu jira, Boolis Nabad Suggid iyo Militari, sidoo kalena waxaa halkaasi lagu gooyay gaadiidka dagaalka ciidankaan ay wataan.

Waxaa xiran wadada ka timaada Caga dhiig oo gaadiid dagaal iyo ciidan badan la dhigay, sidoo kale waxaa xiran dhanka 15-May wadada ka timaado oo ciidamo markii horeba halkaasi ay ku sugnaayen, balse si wayn loo sii xoojiyay ciidankaasi.

Isgoyska Dabka, waxaa ku suga ciidan isugu jira Boolis, Nabad Suggid iyo Militari gaadidka dagaalka ayaana halkaasi lagu jaray, sidoo kalena waxaa gaadiid dagaal oo uu ku jira gaariga loo yaqaan Beebaha uu yaallaa nawaaxiga Isgoyska Sayidka.

Si la mid ah wadooyinkaan oo kale waxaa xiran wadada ka timaado dhanka Tiyaatarka oo Xaawo Taako ka xiran iyo wadada ka timaada Isgoyska Umbulutooriyada oo gaadiid kala duwan la dhigay.

Ciidamada ayaa si feejigan u sugaya amniga, mana jirto dhaqdhaqaaq shacab iyo mid shaqaale dowladeed ah intaba.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT