WAR DEG DEG:- Xildhibaano Sheegay In Inqilaab Uu Ka Socdo Xarunta BF Soomaaliya Kula Wareegay Jawaari

Wararkii ugu dambeeyay ee Wakaalada Warqaad.com kasoo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in Guddoomiye Golaha shacabka uu Xildhibaanada aan diyaar u aheyn Ajandaha uu wado inay ka baxaan xarunta.

Xildhibaano aad u badan ayaa ka baxay Kulanka iyagoona sheegay in Inqilaab uu xarun ta kula wareegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ciidamada Taabsan Jawaari ayaa lagu arkaa Dabaqa sare ee xarunta Golaha Shacabka, waxaana banaanka xarunta lagu arkayaa Xildhibaano careysan oo qaarkood Warbaahinta ula hadlaya si carol eh iyagoo Jawaari ku sheegaya Guddoomiyihii hore.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT