R/W Kheyre Oo Caburin Ku Haya Saxafadda Iyo Wariyayaal Lagu Jirdilay Golaha Shacabka

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goor-dhaw jirdil u geestay Wariyayaal ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta magaalada kuwaas oo shaqo u tagay xarunta Golaha Shacabka.

Wariyayaasha Jirdilka loo geestay oo qalabkooda la qaatay waxaa ka mid ah Shaqaale ka tirsan Telefishinka Kalsan Xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Qaar Wariyayaasha oo aan la hadlay ayaa ii xaqiijiyay in amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha lagu amray in Saxaafada laga joojiyo Shaqada Tabinta ee Golaha Shacabka.

Waxaa maanta ka socda xarunta BF Soomaaliya qas iyo qalalaaso ay sababteeda lay yihiin Madaxda sare ee dalka, waxayna u muuqataa in M/weyne Farmaajo ku fashilmay hogaaminta dalka maadaama uu khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey Jawaari iyo R/W  Kheyre.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT