Maxaa Ka Run Ah In Ciidamada Jawaari Ay Jirdileen Xildhibaanada Ku Sugnaa Afaafka Hore Ee Xarunta Golaha Shacabka?

Warar hoose  ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada taabsan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ay Jirdil u geysteen Xildhibaanada Mooshinka ka waday Guddoomiyaha.

Xildhibaanadan ayaa doonayay in afaafka hore ee Xarunta Golaha shacabka ay saxaafada kula hadlaan, iyagoona doonayay awooda uu kula wareegay xarunta Jawaari inay ka hadlaan iyo arimo kale.

Laakiin ciidamadan daacada u ah Guddoomiye Jawaari ayaa garaacay Xildibaanadan oo diiday inay fuliyaan amar lagu siiyay inaysan shir jaraa’id meesha ku qaban Karin.

Xaalka wuxuu u muuqdaa inuu sii xumaaday,waxaana banaanka xarunta golaha shacabka qulqulaya Xildhibaanada Mooshinka ka wada Jawaari.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT