DEG DEG:- Mudanayaasha 2-Dhinac Oo Gudaha U Galay Xarunta Golaha Shacabka Iyo warbaahinta Oo Loo Diiday

Warar hoose oo Wakaalada Warqaad.com ay ka heleyso Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhamaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay hada gudaha kuwada jiraan.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan Ciidamo hubeysan oo taabacsan Afhayeenka BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay xoog kula wareegeen guud ahaan xarunta Golaha Shacabka ee M/ Muqdisho.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay isku geedaameen xaruntaasi, islamarkaana ay ka wadaan halkaasi dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Wariyeyaasha ayaa loo diiday inay galaan gudaha xarunta Golaha Shacabka, waxaana arintaasi ay sababeysaa in ay adkaato sidii Saxaafada ku heli laheyd xogihii ugu dambeeyay ee kulanka.

Saxaafada ayaa la cabsi qabaa inay Muuqaalo iyo Warar dhab ah kasoo gudbiyaan Kulanka Maanta oo looga baqanayo inuu gacan ka hadal isku bedelo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT