DEG DEG:- Ciidamo Taageesran Guddoomiye Jawaari Oo Xoog Kula Wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamo hubeysan oo taabacsan Afhayeenka BFS Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ay xoog kula wareegeen guud ahaan xarunta Golaha Shacabka ee M/ Muqdisho.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ay isku geedaameen xaruntaasi, islamarkaana ay ka wadaan halkaasi dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Xiisada aya ah mid kacsan, iyadoona lagu wado saacadaha soo socda in uu furmo kulanka Golaha Shacabka oo looga doodayo Mooshinka ka yaalla guddoomiye Jawaari, inkasto Xildhibaanadu ay ku kala aragti duwan yahiin Ajandahaasi.

Kala Soco Halsheeg.Com Hadba Wixii Ka Soo Baxo Kunlanka Maanta Ka Socda Xarunta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT