DEG DEG:- C/weli Muudey & Xildhibaanadii Mooshinka waday oo ka baxay Xarunta BFS & Jawaari oo awood ku qabsaday….

Warar deg deg ah oo haatan naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ayaa sheegaya in xildhibaanadii waday Moshinka ay ka baxeen halkaas.

Xildhibaanadaas oo taageersan Xukuumadda Soomaaliya uuna hormuud u ahaa Gudoomiye ku xigeenka C/Weli Muudey ayaa lasoo sheegayaa iney xarunta isaga baxeen.

Waxaa ay ku eedeeyeen Gudoomiye Jawaari oo wata ciidamo badan inuu xoog kula wareegay xarunta.

Wararka ayaa sheegaya in xarunta ay isugu soo hareen oo kaliya xildhibaanada taageersan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa ciidamo badan la tagay xarunta barqadii maanta, laakiin C/Weli Muudey ayaa dhankiisa halkaas la tagay ilaalo kale oo badan.

Xiisad xoogan ayaana weli ka jirta xarunta baarlamaanka, Inkasoo Xildhibaanadii Mooshinka waday iyo Muudey ay meesha ka baxeen.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT