DEG DEG: C/weli Muudey Oo Dalbaday Ciidamo Kumaandoos Ah S Uu Xoog Ugala Wareego Xarunta BFS

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka oo saakay ku fashilmay inuu qabto shirkii uu ku baaqay ayaa hadda wuxuu dalbaday ciidamo Kumaandoos ah.

Xog aan helnay ayaa waxay sheegaysaa in Muudey uu la hadlay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, kana dalbaday ciidamo Kumaandoos ah oo amniga golaha shacabka la wareega.

Lama hubo in laga aqbalay iyo in kale, balse waxaa goobta ku sugan ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT