Maydka Ruux La Aqoonsan Waayey Oo Lagu Arkay Xaafad Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Maydka ruux la garan waayay, ayaa lagu arkay xaafad ka mid ah Degmadaasi.

Xaafadda Nageyle ee Degmada Kaaraan ayaa lagu arkay maydka ruuxaan oo xir xiran sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay.

Ruuxa maydka ah ayaa da’diisa waxaa lagu qiyaasay inay u dhaxeyso 30 illaa 20 jir, waxayna wararka intaasi ku darayaan in aanan la garaneyn.

Lama oga cidda dishay qofkaan ee maydkiisa soo dhigtay xaafadda Nageyle ee Degmada Kaaraan.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay goobta maydka lagu arkay inay soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda ayna eegeen ruuxa maydka ah, markii dambana ay isaga dhaqaaqeen.

“Maydka meesha ayuu yaalla waana uu xir xiran yahay, meelaha qaar jirka dab ayaa ka muuqda sidii qof in la gubay oo kale ah, anaga dadka xaafadda haddii aan nahay ma naqaan cida dishay iyo dadka meesha keenay, haa ciidanka waan u sheegnay waa ay yimaadeen markii ay fiir fiiriyeen maydkana waa ay isaga tageen, korkiisa dhan waa bararsan yahay maydka.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka.

Maamulka Degmada Kaaraan oo aan la xiriirnay ayeeysan suuragal noqon inay ka jawaabaan taleefoonadooda gacanta si aan wax uga waydiino maydkaan la soo dhigay Degmadasi.

Magaalada Muqdisho ayaa dilalka ka dhaca waxa ay yihiin kuwa wajiyo badan leh, kaliya Al Shabaabna wax kuma dilaan Magaaladan gudaheeda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT