M/weyne Farmaajo oo ku Fashilmay Xalinta Khilaafka Mooshinka Jawaari+Maxaa Soo Kordhay?

Sida muuqata waxaa fashilmay wada hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhex waday Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, taasi oo ujeedada ay aheyd in lagu xaliyo khilaafka ka dhashay Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye (Jawaari).

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Sabtidii hakiyay kulan aan caadi aheyn oo haddii uu qabsoomo lahaa, qalalaase ka dhex abuuri lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka dhexdooda.

Xildhibaanada qaar ayaa Warbaahinta ka sheegay in Mooshinkooda uu yahay mid sax ah, maalinta Arbacada oo Berri ku beegana Baarlamaanka ay horgeynayaan si codka kalsoonida ah loogu qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Dhinaca kale Xildhibaanada difaacaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa ka digaya suurtagalnimada in maalinta berri ah Baarlamaanka la horkeeno Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in la wado qorshe ah kulan hoosaasin ah inuu berri qabsoomo, waxayna sheegayaan haddii taasi ay dhacdo inay ka cabsi qabaan dalka inuu galo marxalad cusub oo foodo ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT