Dhalinyaro Badan Oo Ka Soo Baxsaday Shabaab Oo Gaaray Deegaanada Galmudug

Saacidihii ugu dambeeyay waxaa gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Somaliya, dhalinyaro kala duwan oo ka soo baxsaday deeganada ay maamulaan Ururka Al Shabaab ee Gobolka Mudug.

Dhalinyaradaan ayaa ka baxsaday in si qasab ah loo askareeyo, kadib markii Madax ka tirsan Shabaab ay ku amreen beelaha dega nawaaxiga Degmada Xaradheere inay keenaan dhalinyaro Shabaab lagu biiriyo.

Waalidiinta dhalaya dhalinyarada ayaa ka biyo diiday in carruurtooda ay raaciyaan Shabaab, waxayna go’aansadeen inay la baxsadaan carruurtooda oo ay geeyaan dhulka aysan Shabaab ku sugnayn.

Shalay illaa maanta ayaa la sheegay Magaalada Cadaado, Baxdo iyo Xinlabi inay gaareen dhalinyaro badan oo waalidiintooda ay la carareen, kadib markii Shabaab ay kala soo baxsadeen.

Al Shabaab ayaa dadka nawaaxiga Degmada Xarardheere waxa ay waydiisteen inay keenaan 100 dhalinyaro ah oo tababar la siiyo, kadibna lagu biiriyo Shabaab, waana midda keentay waalidiinta in carruurtooda la baxsadaan.

Dhalinyarada qaar ayaa la sheegay inay lugeynayeen masaafo dhan 100-KM, iyaga oo ka cabsi qabay haddii ay gaadiid raacaan in Koontaroolada Shabaab ay maamulaan gaadiidka in loogala dago.

Al Shabaab ayaa inta badan qabiilada waxa ay waydiistaan inay keenaan dhalinyaro u dagaalanta, si ay ugu biiraan ciidanka Shabaab.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT