BAD NEWS:- Haweeney Inta La Kufsaday Hadana Rasaas Lala Dhacay Ka Dibna Geeriyootay

Aroornimadii saakay ayaa waxaa lagu waa bariistey Haweeney Meyd ah oo lasoo dhigay meel aan wax badan u jirin Masaajidka Sheekh Cali Maye ee magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Haweeneydan oo markii hore warar kala duwan ay kasoo baxaayeen dilkeeda ayaa hada waxa la helay faafaahin ku saabsan qaabka dilkeeda uu u dhacay, iyadoo la sheegay in qaab naxriis dara ah lagula dhaqmay inta aan la dilin ka hor.

Sida ay xaqiijiyeen dad arkay Meydka Gabadha, waxa jirkeeda ka muuqda Kufsi si’naxriis dara ah loogu geystey iyadoo qeybaha jirkeeda hoose ay ka muuqdaan Nabaro, waxaana markaas ka dib lagu dhuftey dhowr xabadood oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirkeeda.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xamsita Aweyn Cali ayaa sida wararka aan ku heleyno xalay fiidkii laga afduubtey meel ku dhow halka ay fadhiyaan Mooryaanta ee jooga magaalafa Marka.

Arrintaan ayaa salka ku heyso Arrimo qabiil,waxaana dab ku sii shideysa dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyada isku heysta magaalada Marka.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT