Yuu Ahaa Shaqsiga Hurinaya Khilaafka Guddoomiye Jawaari Iyo R/W?

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke uu hurinayo Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Cumar Cabdi rashiid ayaa labada masuulba doonaya inay xiallka waayaan waxaana culeys badan ay ay hada saarayaan isaga iyo Kooxdiisa wakiilada u ah Imaaraadka Guddoomiye Jawaari.

Dowlada Imaaraadka ayaa dooneysa inay ka faa’iideysato xiisadan ka dhex jirta Xukuumadda iyo Baarlamaanka waxay dooneysaa in masuuliyiintan xafiiska baneeyaan si shaqsiyaad iyada danaheeda u fuliya ay kursiga u fariistaan.

Cumar Cabdi rashiid ayaa ka dhamaan la’ kulamo goon gooni ah uu la yeelanayo Xildhibaanada labada dhinac, wuxuuna sii hurinayaa xiisada oo meelihii ugu xumaa mareysa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT