Mooshinka Oo Waji Kale U Yeeli Raba Iyo Guddoomiye Jawaari Oo Diyaar U Ah Inuu Wacdaro Dhigo & Kheyre

Warar hoose oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu diyaar u yahay inuu wacdaro ka dhigo Xarunta golaha shacabka, isagoona doonaya in Mooshinka si cadaalad ah loo qaado.

Xubnaha dhex dhexaadinta ka dhex wada Xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari ayaa kulan gaar ah oo ay la yeesheen Guddoomiyaha wuxuu sheegay in arintan aysan ku habooneyn in si hoose loo dhameeyo loona baahan yahay xubnihii Mooshinka keenay inay ku adkeystaan go’aankooda Golaha shacabkana ay la yimaadeen awoodooda.

Guddoomiye Jawaari ayaa kalsooni ku qaba inuu heli doono codadka ugu badan Xildhibaanada, waxayna dhabar ku noqon doontaa hadii ay arintan dhacdo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo ku dhow dhow Xukuumadda ayaa Warqaad.com u sheegay in abaabulkii ugu dambeeyay ay ku jiraan xubnaha Ra’iisul wasaaraha uu u saaray dardargalinta Mooshinka laakiin kama muuqato rajo wanaagsan oo xilka ay kaga tuuri karaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la ogaaday hadii uu heli waayo Xildibaano ku filnaan kara Mooshinka inuu diyaar u yahay in waji kale loo yeelo arintan oo wada hadal lagu dhameeyo.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT