Cali Dheere Oo Sheegay Inay Diyaarsan Yihiin Dhalinyaro Qaraxyo & Weeraro Ku Qaadaya…..

Afhayeenka guud ee Al Shabaab Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ku hanjabay inay kordhinayaan weerarada iyo qaraxyada ay la beegsanayaan Saldhigyada ciidamada Amisom ay ka joogaan Somaliya.

Cali Dheere ayaa ciidanka Amisom u diray farriin hanjabaad ah oo ku aadan in saacad kasta ay fishaan qaraxyo Ismiidaamin ah iyo weeraro toos ah oo kaga yimaado dhanka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay inay diyaarsan yihiin dhalinyaro doonaysa dalkooda inay ka difaacaan cadow uu sheegay dalka inay ku soo duuleen, wuxuuna tilmaamay in saacad kasta ciidanka Amisom ay fishaan qaraxyo Ismiidaamin ah iyo weeraro Xoog ku gal ah.

“Ma dhici doonto inaad ku raaxeysataan dhulkeena oo aad ku ladaan, waxaad fishaan saacad kasta mid isqarxiya iyo mid orod dagaal ah ku soo gala xeradiina, waqtiga aad rabtiin qabsada, anaga dhulkeena ayaan joognaa idinkoo duleysan ayaan dalka ka bixi doontaan.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay shacabka Somaliyed inay fadhiga ka kacaan oo ay la dagaalamaan ciidamada Amisom meel kasta oo ay joogaan.

“Aan soo ceshano dadnimadeena, aan u wada istaagno ka qaybgalka dagaalka cadowga aan kula jirno.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa Cali Dheere.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT