Wax Badan Ka Ogow Tirada Dada Falastiiniyiinta Lagu Dilay Qaza

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ciidammada Israel ay dileen shan iyo toban qof oo dibadbax ka dhigayay xadka israel, halka kun qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.

Madaxweynaha Falastiniyiinta ayaa dowladda Israel ku edeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhimashada dadkani.

Milateriga Israel waxaa ay dhankooda shegeen in dadkani ay dhagxaan iyo walxaha qarxa ay ku soo tuurayeen milateriga, waxaana ay shegeen inay kaga jawaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas.

Falastiiniyiinta Qasa ayaa iyagoo kumanaan qof ah socod bannaan bax ah ugu dhaqaaqay xadka Israel oo ay ku bilaabayaan mudaharaaddo lix todobaad socon doona.

Milatariga Israel-na waxa uu ku waramay in “rabshado” ka socdaan lix goobood waxaanu sheegay in ay “rasaas ku rideen kuwa rabshadaha horseedka u ah”.

Falastiiniyiintu waxay iskugu uruureen oo fadhiisimo ka dhigteen shan goobood oo u dhaw xadka.

Dibadbaxyada Qasa ka bilowday ayaa bilow u ah wax Falastiniyiintu ay ugu yereen toddobaadyo banaanbax ah oo ay ku dalbanaayaan in qaxootiga Falastiniyiinta loo ogolaado inay ku labtaan guiryahooda oo imika ah Israel. Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay inay yeelan doonaan kullan looga hadlayo xaaladda ka soo cusboonaatay Qaza.

Xigashada Warkan BBC

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT