GOOD NEWS:- Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Dib Loo Furay Iyo Xaaladdii Kacsaneyd Oo Degtay

Jawiga magaalada Muqdisho ayaa saaka ka bedelan sidii ay aheyd maalmihii la soo dhaafay, waxaana dadka waaga ugu baryay xaalad dareen leh, kaddib markii xalay ku seexdeen warar dhiilo xambaarsan oo ku aadanaa fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo Sabti loo balansanaa, hase ahaatee la baajiyay.

Xalay oo kaliya hadalo kala duwan oo iska soo horjeeda ayaa hawada la isku mariyay, warbaahintana waxay aheyd kuwo horay iyo gadaal u socday oo mar walba meel looga yeerayay shirarka jaraa’id ee ay qabanayeen Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta.

Hase ahaatee xaaladihii cabsida lahaa ee xalay dadka Muqdisho ku seexdeen waxaa mar kaliya ay ku soo tooseen war farxad leh oo ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo oo ugu dambeyn dhexda usha ka qabtay wixii qalalaase iyo hanjaabdo soo taxnaa labadii todobaad ee u dambeeyay, kuna soo baxay xaalada taagneyd, si loo baajiyo fowdo iyo gacan ka hadal ka dhashay kulanka maanta loo balansanaa ee Kulanka Baarlamaanka.

Waddooyinka Muqdisho oo shalay oo jimco aheyd loo xiray xiisadaha siyaasadeed ee Muqdisho ay dul hoganeysay ayaa saaka la furay, waxaana dib u soo laabtay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha oo labo qeyb loo kala gooyay.

Inkastoo xaalada ay hada u muuqato mid degan, hadana wali lagama gaarin wax xal ah khilaafka guud, waxaana labada dhinac ay ku kala dageen kaliya warka ka soo yeeray Madaxweynaha ee ah in la baajiyo kulanka, waxaase laga filayaa Madaxweynuhu inuu qaato door intaa ka badan, kaddib maalmo uu xaalada isha ka eegayay, balse ugu dambeyn ay qasab noqotay inuu ku soo baxo, si aanay u dhicin fadeexad siyaasadeed.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga filayay in goor hore uu soo farageliyo khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, inta aanay xaalada faraha ka bixin, balse waxaa ay rumeysan yihiin in Madaxweynaha wax walba ogaa, laanta Fulintana uu ka warqabay dhiilooyinka siyaasadeed ee ay hoos ka waday.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT