Hay’adda ICRC Oo Sheegtay In Magaalada Muqdisho Lagu Dilay Sarkaal U Shaqeynayay

Hay’adda caalamiga ah ee Laan-qayrta Cas ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Muqdisho.

War- saxaafadeed ay soo saartay ICRC ayey lagu sheegay in ninkaasi uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray qarax lagu xiray baabuur uu saarnaa.

Qaraxan ayaa maalin ka hor ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaddib markii miino nooca gaadiidka lagu dhajiyo ah loogu xiray Gaariga.

Xarrakada Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay in ay ka danbeeyeen Qaraxa lagu fuliyay gaariga ee uu ku dhintay sarkaalkan ka tirsanaa hay’adda ICRC.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Abdulhafid Yusuf Ibrahim, waxaana sidoo kale Qaraxa ku dhaawacmay labo ruux oo kale


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT