Bannaan baxyo waaweyn oo lagu wado in ay maanta ka dhacaan Qaza

Militariga Israa’iil ayaa lagu waramayaa in la soo dhoobey xudduuda magaaladda Qaza ka hor dibadbaxyo is xig-xiga oo la qorshaynayo in halkaasi ay maanta ka dhacaan.

Dibadbaxyadani ayaa waxaa ku baaqay kooxda ee Xamas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo siweyn uga soo horjeeda faragalinta Qaza ee Israa’iil

Qaban-qaabiyayaasha dibadbaxyadani ayaa u asteeyay in ay ka dhacaan 5 goobood oo u dhaw xudduuda.

Dibadbaxani ayaa waxaa loogu magacdaray dibadbixii waynaa ee soo laabashada.

Wararka ayaa sheegaya in hal nin oo beeraley ah la dilay mid kalana lagu dhaawacay risaas ay xalay fureen askarta Israa’iil.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT