Xaaladda Dad Soomaali Ah Oo Ku Xiran Maraykanka Oo Laga Deyrinayo

Maxaabiis Soomaalida ah oo ku xiran Xabsiyada ku yaala qaar ka mid ah gobolada Mareykanka ayaa la sheegay in ay la kulmaan tacadiyo kala duwan oo ka dhan ah Bini`aadamnimada.

Jonathan Ryan waa Qareen dhanka Socdaalka ah, waxuu gacanta ku hayaa caseska 80 qof oo African u badan oo 60 ka mid ahna ay Somalia yihiin, kuwaas oo ku xiran Xabsi ku yaalo gobolka Texas ee Mareykanka.

Qareen Ryan ayaa sheegay in xarumaha lagu hayo dadkii dhowaanahan laga qabqabtey guddaha dalkan Mareykanka iyo qaar ka mid ah kuwii diyaarad qaaddey laga soo celiyey dalka Senegal ay hadda ku noolyhiin tacadiyo loogu geysto xabsiyada dhexdooda.

Qareenka ayaa sheegay in dadkaas loo geysto xadgudubyo xaga xuquuqda Aadanaha ah oo ay ku jiraan garaacis, aflagaado- Sharaf dil iyo falal maskax ahaanba wax loogu dhimayo.

Maxaabiistaan Soomaaliyeed oo ku xiran Xabsiyo ku yaala gobolka Taxes ee dalka Mareykanka ayaa isugu jiro qaar dalkaas galay Sanadihii sagaashameeyadii, iyo kuwoo sanadihii dambe galayba, waxaana loo haystaan eedeeymo kala duwan oo la xariir qaabka ay u galeen dalka Mareykanka.

Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku jira Xabsiyada wadamada Caalamka kuwaas oo la kulma tacadiyo kala duwan oo ka dhan ah Bini`aadamnimada, Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan dalka ku soo cilisay Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaay Wadamada Hindiya, Itoobiya, iyo kuwoo kale iyadoo wali ay jiraan kuwoo kale wali ku xeran wadamadaasi iyo wadamo kale.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT