Wax Badan Ka Ogow Qarax Baabuur Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhaw Isgoyska Zoobe

Qarax lagu soo xiray gaari ayaa wuxuu ka dhacay meel aan ka fogey Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa la sheegay in ay la socdeen 3-dhalinyaro mid ka mid ah la sheegay in uu dhaawac soo gaaray, waxaana uu gaar ahaan qaraxa ka dhacay agagaarka is-goyska Zoobe.

Hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sheegeen qaraxan nuuciisa in uu ahaa mid loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano.

Qaraxyada ayaa u muuqda kuwa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo dadku arintan cabsi weyn ka muujinayaan.
Labadan Isbuuc ee la soo dhaafay waxaa ku soo batay magaalada Muqdisho qaraxyo lagu dhibaateynayo dadka rayidka oo aanan waxbo galabsan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT