Ciidamada Ilaalada Villa Soomaaliya Oo Dib U Furay Wadada Sayidka Kadib Markii…

Ciidamada Koofi Gaduuda ee illaalada ka haya Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa saaka dib u furay isu socodka gaadiidka rayidka wadada Sayidka, kadib markii qaraxii Axadii ka dhacay halkaasi wixii ka dambeeyay ay aheyd mid xiran.

Ciidamada Koofi Gaduuda, ayaa kaliya wadada u ogolaanaayay gaadiidka dowladda, waliba kuwooda aqoonsiyada wata, waxayna celinayeen gaadiidka rayidka ay isticmaalaan iyo Mootooyinka Bajaajta.

Balse saaka ayeey ciidamada wadada dib u fureen, kadib markii la dhameeyay dhismo laga waday Koontaroolka ciidanka ay joogaan ee Isgoyska Sayidka.

Marka horeba gaadiidka shacabka ayaanan loo ogoleyn inay maraan wadada dheer ee Madaxtooyadda horumarta, balse gaadiidka shacabka ayaa isticmaalaayay inay ka dagaan wadada aada dhanka Bakaaraha ee Sayidka ka baxda.

Koontaroolka Sayidka ayaa waxaa loo sameeyay biraha waa weyn ee gaadiidka lagu celiyo, halkaasi oo loo arkay qorshe amni suggid ah.

Ciidamada Koofi gaduuda ayaa hadda waxaa ka muuqata feejignaan xooggan oo ku aadan inay ka gaashaanto weeraro kale oo qaraxyo ah oo dhaca.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT