XOG CUSUB:- Maxaa Ka Jira In Maalmaha Soo Aaddan, Xarunta Golaha Shacabka Ay Ka Bilaban Doonto Fowdo Culus?

Xogo cusub oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in maalmaha soo aaddan, xarunta golaha shacabka ay ka bilaban doonto fowdo culus, iyadoo la geyn doono Labo mooshin.

Xogta ayaa waxay sheegeysaa in xildhibaannada difaacaya guddoomiye Jawaari ay gudbin doonan mooshin ka dhan ah guddoomiye ku xigeenka 1-ad ee golaha shacabka, waxaana ka guddoomi doona Kan Labaad.

Si taas lamid ah waxaa iyana mooshin geyn doona xildhibaanada ku kacsan Jawaari, waxaana ay sidoo kale ka gudbin doonaan guddoomiye ku xigeenka Labaad, iyadoo loo dhiibi doono Kan Koowaad.

Hadaba golaha shacabka ayaa waxa uu si toos ah u geli doonaa fowdo, iyadoo aan la ogeyn sidey wax ku dambeyn doonaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT