XOG CUSUB:- M/weyne Farmaajo Oo Degdeg Ugu Yeeray Axmed Madoobe, Arrinta Beled-Xaawo

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa degdeg wuxuu xarunta Villa Soomaaliya ugu yeeray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Ulajeedka uu ugu yeeray ayaa ah in su’allo badan uu ka weydiiyo waxa uu kala socdo boobka Kenya ee degmada B/xaawo iyo arrimo badan oo arrintaasi ku saabsan.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeysan inuu wax badan kala socday arrimaha, islamarkaana lacago uga qaatay dowladda ay saaxiiba yihiin ee Kenya.

Jubbaland ayaa shacabka ku dhaqan B/xaawo gaar ahaan melaha dhismaha ka socdo ku ammartay iney guuraan, tasi oo shaki badan keentay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT