Maxaa Sababay In Magaalada Muqdisho Jidadka Qaar Ay Maanta Xiran Yihiin?

Sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka dadweynaha ee Muqdisho waxaa xira qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho iyadoo ay jiraan ciidamo dheeraad ah oo la dhigay Isgoysyada muhiimka ah.

Jidadk xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo ka mid ah Waddada Maka Al-Mukarama, dhinaca Waddada gashaTarabuunka, Isbitaalka Xoogga, iyo jidadka soo gala xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa la geliyay feejignaan sare, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada laga soo sheegayaa inuu ka jiro howl gallo baaritaano oo gaadiidka qaar si aan horay loo arag loo baarayo.

Ammaanka Waddada hormarta Xarunta Golaha Shacabka ayaa la adkeeyay, waxaana la dhigay dhagxaan waa weyn, gaar ahaan dhanka Isgoyska Sayidka illaa agagaarka Xarunta Tiyaatarka oo lagu xoojiyay ciidamo dheeraad.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT