Maxaa Ka Run Ah Wadahadallada Kenya Iyo Soomaaliya Ee Darbiga Beled-Xaawo?

Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa maalmahan dambe waxaa ka taagneyd jahwareer aan caadi ahayn, kuna aadan boob ay Kenya ka waddey halkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa ku dhowaaqay in Taladadan ay wadahadal la furi doonaan Kenya, si looga wada xaajoodo darbiga ay ka dhiseyso degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Hadaba dad badan ayaa is weydiinaya waxa ka dhabta ah wadahadalladan, waxayna dadka qaar arrintaan u arkaan iney tahay mid af macaansi iyo dhibaato kale oo la keeni doonoo.

Dib u xusuuso, Labo jeer oo hore ayaa dowladda Kenya waxaa lagala hadlay arrintan, balse howsheeda waa ay sii wadatay.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT