Maxaa ka jira in Bandow Kusoo Wajahan magaalada Muqdisho?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa maalin bandow ah oo lagu soo rogo magaalada Muqdisho, si dadka aanay u socon ama aanay isugu kala gudbin.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha amniga ka shirayaan in maalinta Sabtida ah ee loo ballamay mooshinka Jawaari, magalada oo dhan la xiro, si amniga loo adkeeyo.

Inkastoo saraakiisha ay ku kala arati duwan yihiin, ayaa waxaa jira kuwo qaba in malintasi aanay wax gadiid ah socon.

Danta laga leeyahay ayaa ah in ammaanka la xaqiijiyo, balse tasi waxay dhibato ku tahay shacabka, oo dano leh, siyasadna shaqo ku lahayn.

Waxaa laga yaabaa in la isku garto in bandowga la saaro magaalada, waana suurtagal in dib looga noqdo arrintaasi.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT