Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
M/Weyne Farmaajo Oo Goordhow Shir Deg Deg Ah La Qaadanaya Saraakiil Sar Sare Oo…. | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> M/Weyne Farmaajo Oo Goordhow Shir Deg Deg Ah La Qaadanaya Saraakiil Sar Sare Oo…. | Hal Sheegaha La Hubo

M/Weyne Farmaajo Oo Goordhow Shir Deg Deg Ah La Qaadanaya Saraakiil Sar Sare Oo….

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa saakay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga wuxuu kula kulmayaa saraakiishii Dhalinyarada aheyd ee dhawaan loo dhiibay hoggaanada qaar ee Ciidanka.

Bilowgii bishan ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay 13 Sarkaal oo ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo gaboobay ama Odayaal noqday, waxaana lagu bedelay dhalinyaro aqoon leh oo dhawaan ku biirtay Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Dibaddiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhalinyaradan kulan gaar ah Jimcihii ina dhaaftay la qaatay, wuxuuna weydiiyay in ay u sheegaan baahiyaha ay qabaan iyo wax walba oo ay u baahan yihiin, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Intaasi kadib Madaxweynaha ayaa dhalinyaradan u sheegay inuu si deg deg ah uga jawaabi doono arrimihii ay u bandhigeen, waxaana saakay la filayaa inuu ka jawaabo cadsiyadii Dhalinyaradan ay u gudbiyeen.

Kulanka saakay Madaxweynaha uu la qaadan doono saraakiishan Dhalinyarada ah ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Gorod iyo Saraakiisha Millitariga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan howlihiisa shaqo u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, si uu u dhiiro-geliyo Ciidamada Xoogga dalka iyo in uu la socdo xaaladahooda.

Dhalinyaro badan ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan dhiiragelin Xooggan in loo sameeyo, maadaama ay yihiin kuwa dalka iyo dadka naftooda u huray.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT