DEG DEG:- Dil Toogasho ah iyo Dagaal ka dhacay Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose

Al Shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen Degmada Afgooye,gaar ahaan goob ay daganaayeen ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay halka loo yaqaan Buulo fooliyo oo ka tirsan Degmada Afgooye, halkaasi oo Koontarool ciidan ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Ciidankii dowladda ayaa halkaasi isaga cararay, kadib markii ay u babac dhigi waayeen dagaalyahanada Shabaab ka tirsan oo tiro badnaa sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Shabaab oo saacado kooban la wareegay Koontaroolka ciidanka, ayaa markii dambe halkaasi isaga baxay, kadib markii ay bur buriyeen goobihii ciidanka ay fariisan jireen.

Isla Degmada Afgooye agagaarka Buundada yar ayaa waxaa xalay ka dhacay dil ay fuliyeen rag hubaysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada Militariga, gaar ahaan kuwa ay tababarto dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhiga ku leh Degmada Afgooye.

Xaaladda Degmada Afgooye ayaa saaka ah mid caadi ah, isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaana ah mid wanaagsan.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT