XOG HOOSE:- Axmed Madoobe Oo Kenya Ka Iibasay Degmada Beled-Xaawo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa lacag badan waxa uu ka qaatay dowladda Kenya, isaga oo u fsaxay iney waxay doonaan ka sameystaan degmada B/xaawo.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, ayaa Warqaad.com waxa uu u sheegay in Axmed Madoobe uu soo qaatay 8 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, islamarkaana laga dalbaday inaanu ka hadal oo kaliya arrinta B/xaawo.

Arrinta ugu yaabka badneyd ayaa waxay ahayd, kadib markii maamulka degmada B/xaawo inta shacabka fagaare isugu waceen misane u sheegeen in Kenya faraha laga qaado, howsheedana ay xaq u leedahay.

Waa arrin dad badan ka yaabisay, dowladda Federaalkana weli kama aysan hadal, boonka cad ee Kenya ka waddo B/xaawo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT