Muxuu u dhaqan gali la’yahay Xeerka dalka looga mamnuucay DP World?

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhaqan gelinta go’aanka Baarlamaanka ee ku saabsanaa shirkadda DP World.

Wasiirka ayaa sheegtay in dhaqan gelinta go’aankan ay ka harsantahay oo kaliya in Baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo si uu saxiixo.

“Tallaabada aan qaadnay shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkuba waa la socdaan, Raiisul Wasaarahuna si cad ayuu u soo bandhigay, balse haatan waxa la sugayo ayaa ah in howsha rasmiga ah ee dhinaca Baarlamaanka jirta markii ay soo gaba gaboowdo loo gudbiyo Madaxweynaha, kaddibna uu dhaqan geliyo go’aanka labada Aqal ee Baarlamaanka.” ayey tiri Wasiir Maryan Aweys Jaamac.

Hadalka Wasiirka Dekadaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa ku soo aadaya xilli Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ay ansixiyeen

oo ku soo beegmay xilli khilaaf uu ka dhax aloosanyahay Golaha shacabka ayaa mujinaya sida ay uga mashquuleen xildhaabannadu fulinta ajandayaashii lagu ballansanaa kalfidhaga 3aad oo ay ka mid ahayd in ay u gudbiyaan Madaxweynaha go’aankii lagaga mamnuucayey DP World dalka.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT