M/weyne Farmaajo Oo Amray In La Qaado Duulaan Ka Dhan Ah Shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ku amray taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kulan degdeg ah la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aan loo dulqaadan karin qaraxyada iyo dhibaatada Al-shabaa ku hayan dadka shacabka ah.

Waxa uu madaxweynaha amray sidoo kale, in la xoojiyo duqeymaha dhanka cirka ah eel ala eeganayo dagaalyahannada Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan xoogga dalka ayaa inoo sheegay in maalmaha soo aadan la qaadi doono weeraro xooggan oo ka dhan ah Al-shabaab, balse meelaha laga bilaabayo lama oga.

Al-shabaab ayaa xoojisay qaraxyada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho, iyadoo Todbaad gudahiisa ay magaalada ka geysteen Labo qarax oo xoogan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT