KASHIFAAD: – Yaa Dayacay Ammaaka Magaalada Muqdisho?

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa hadda amnigeedu faraha kasii baxayaa, iyadoo magaalada ay kusoo bateen qaraxyada iyo weerarada kale.

Warqaad.com ayaa baaritaan ay sameysay waxay ku ogaatay in magaalada qaraxyada ka dhacaya ay sabab u tahay xukuumadda Federaalka, sababtoo ah amniga ayeey dayaceen.

Si gaar ah mas’uuliyadda arrintaan waxaa leh wasiirka amniga, Maxamed Abukar Islow oo isaga shaqadii uu hayey kaga mashquulay arrimaha mooshinnada socda, laguna arkay isaga oo ku dhex jira xildhibaannada mooshinka ka keenay Jawaari.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in qaraxa maanta dhacay laga hortagi karay, balse saraakiisha ammaanka iyo wasraaddii dhan ay ka seexdeen maadaama dalka uu xaalad mooshin ah ku jiro.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaan la ogeyn waxa uu illaa iyo haatan uga aamusan yahay amni darada Muqdisho.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT