Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/guide.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 18

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/showcase.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 37

Warning: include(/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php): failed to open stream: No such file or directory in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: include(): Failed opening '/home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/menu/support.php' for inclusion (include_path='.:/opt/cpanel/ea-php56/root/usr/share/pear') in /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php on line 47

Warning: Cannot modify header information - headers already sent by (output started at /home/sadaq/public_html/wp-content/themes/kalafogetheme/assets/functions/adminmenu.php:18) in /home/sadaq/public_html/wp-content/plugins/post-views-counter/includes/counter.php on line 276
Dagaal Ka Dhex Bilowday Cawad Iyo Muudeey & Waqtiga Mooshinka La Qabanayo Oo… | <link rel="pingback" href="http://www.halsheeg.com/xmlrpc.php" /> Dagaal Ka Dhex Bilowday Cawad Iyo Muudeey & Waqtiga Mooshinka La Qabanayo Oo… | Hal Sheegaha La Hubo

Dagaal Ka Dhex Bilowday Cawad Iyo Muudeey & Waqtiga Mooshinka La Qabanayo Oo…

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey ayaa shaaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari).

Mahad Cabdalla Cawad ayaa warqada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Muudey ku tilmaamay mid aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa oo loo dhan yahay,

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Cawad in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad uusan go’aamin karin xilliga uu furmayo kulanka codka kalsoonida loo qaadayo Guddoomiye Jawaari, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Jawaari uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka aysan waafaqsaneyn warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uu sharciga ku xad gudbay go’aan keligiisana uu qaatay.

Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uusan ahayn ku sime Guddoomiyaha Golaha Shacabka sharci darana ay tahay sheegashadiisa.

Khilaafka ka dhexjira Golaha shacabka BFS ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu dhameeyo arrintan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)

ADVERTISEMENT