Dadka Masar Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

Shacabka dalka Masar ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweynaha hogaamin doona dalkaasi.

Musharixiinta u tartameeysa xilka madaxtinimo ee dalkaasi waxaa kamid ah Madaxweynaha talada dalkaasi haya Cabdul Fataax Al-Siisi.

Doorashada intii aysan bilaaban ayaa waxaa tanaasulay laba musharax, waxaana isugu soo haray Madaxweynaha talada dalkaasi haya Cabdul Fataax Al-siis iyo Musharax kale ee lagu magacaabo Muusa Mustafa Muusa.

Doorashada maanta bilaabatay oo la filayo in ay socoto mudo sedex maalmood ah ayaa la hadal hayaa in uu ku guuleysan doono Madaxweynaha talada dalkaasi haya C/fataxaa Al-siisi oo ninka soo haray ee la taramaya uu kamid yahay taageereyaashiisa islamarkaana ah shaqsi aan aad uga dhex muuqan siyaasadda dalkaasi.

Siisi ayaa la filayaa in kuu guuleysto codadka ay dhiiban doonaan 60-ka Million ee codkooda dhiiban doonta, maadaama dhammaan musharixiintii la loolamayay ay isaga hareen tartanka, halka mid kamid ah musharixiintaasi oo loolan adag kula jirayna la xiray.

Markii ugu horeeysay ee la doortay Siisi sanaddii 2014, waxa uu helay 97% codadkii la dhiibtay, sikastaba wax ka yar kala bar dadkii la filayay in ay codkooda dhiibtaan ayaa codeeyay ayadoo xitaa lagu kordhiyay maalin, waqtiga cod dhiibashada oo ahaa laba maalmood.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT