Caasimadda Dalka Soomaaliya Oo Laga Mamnuucayo Gaadiidka Bajaajta Ah+Sabab?

Wasaaradda amniga gudaha ah ayaa wadda qorshe ballaaran oo ay ku dooneyso in magaalada Muqdisho uga mamnuucdo gaadiidka loo yaqaan bajaajta.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda ayaa inoo sheegay in ulajeedka laga leeyahay tani ay tahay sida la sheegay in la sugo ammaanka magaalada.

Marka ugu horreysa waxaa Bajaajta laga mamnuuci doonaa sida naloo sheegay waddooyinka muhiimka ah, sida Makka Al-mukarrama iyo wadanah.

Haddii ay dhacdo in wasaaradda qaaddo tallaabadan waxaa dhici kara dibadbaxyo ay dhigayaan Bajaajleyda kuwaasi oo ku dhow 20 kun oo qof iyo dadkooda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT