WAR DEG DEG:- Saraakiil Iyo Askar Loo Xiray Qaraxii Shalay Ka Dhacay magaalada Muqdisho

Warar hadda soo gaaray Warqaad.com ayaa waxay sheegayaan in ammar kasoo baxay wasaaradda amniga DFS lagu xiray saraakiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho.

Xubnahan oo aan magacyadooda helin ayaa lasoo sheegayaa in lagu haysto arrin la xiriirta qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda lagu xiray xarunta CID ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiinayo.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT