R/Wasaare Kheyre Oo Amar Adag Bixiyey Kadib Weerarkii Shalay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii shacabka ahaa ee shalay ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama.

“Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay ku soo dhaafeen baraha baarista. uuna jirayo xisaabtan dhab ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT