Wax badan ka ogow Koox Aan Hayn Shabaab Iyo Daacish Oo Waddanka Ka Dhismeysa+TOPNEWS

Dhowaan waxaa la filayaa in koox hubeysan islamarkaana aan ahayn Al-shabaab iyo Daacish midna ay dalka ka dhismaan, kuwaasi oo awood ahaan kula gor gortama dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhamman xubnaha isaga soo baxay Al-shabaab ee haysta awoodda ciidan ayaa hadda doonaya iney midoobaan, waxayna radinayaan xubno kale si ay magac gaar ah u sameystaan, islamarkaana dowladda ula gor gortamaan.

Kooxdan waxaa hoggaamiye u noqon doona Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waana koox awood ciidan leh, lana dagaallameysa Al-shabaab, tageersanna dowladda federaalka.

Shalay waxaa Al-shabaab isaga soo baxay ciidamo badan iyo sidoo kale Laba mas’uul oo u kala qaabilsanaa maleeshiyadan gobollada Baay iyo Gedo.

Hadaba lama oga kooxdan iney iyaguna kaalin cusub ka qaadan doonaan amni darro ka dhalata dalka iyo in kale.

Halsheeg Online

Xafiiska Wararka Muqdisho-Soomaaliya

Halsheeg@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT