Wax badan ka ogow Khilaaf Ka Dhex Taagan Wasiirka Amniga Iyo Guddoomiye Yariisow

Warar si hoose aan u helnay ayaa waxay sheegayaan in haatan uu khilaaf aad u xooggan uu ka dhex curtay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Injineer Yariisow iyo sidoo kale wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaale.

Guddoomiye Yariisow ayaa la sheegay in wasiir Islow uu ka dalbaday in degdeg loo furo dhammaan jidcadayaasha Muqdisho ee xiran, hase ahaatee wasiirka ayaa diidday.

Waxay taasi gaartay in Yariisow uu warqad u qoro madaxweynaha iyo Ra’iisul asaaraha isaga oo sheegay haddii aan waddooyinkaasi la furin in uu xilka isaga tagi doono.

Islow ayaa isna dhankiisa sheegay haddii waddooyinkaasi la furo inuu is casili doono waxayna arrintaasi noqotay mindi mindi ku taag.

Gobolka Banaadir ayaa kala xiran, waxaana maamulka gobolka uu doonayaa in shacabka ay xor u noqdaan isku socodkooda.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISEMENT